Daawo: Goolkii Taariikhiga Ahaa Ee Uu Dhaliyay Alisson.

Goolhayaha Kooxda Liverpol ee Alisson Becker ayaa kooxdiisa ka badbaadiyay in ay dhibco ku lumiso kooxda West Brom kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Liverpool ayaa qarka u saarnayd in ay bar-baro 1/1 ah la gasho kooxda West Brom kulan ay si weyn ugu hor dhibaatoodeen goolka hortiisa waliba dhaafi waayeen daafaca West Brom.

Taageerayaal badan oo Liverpool ay ahaa is dhiibay waliba qirtay in ay bar-baro kala kulmi doonaan kooxda West Brom marka loo eego sida ay kooxda West Brom u difaacanaysay iyo khasaarinta ay kooxdoodu khasaariyeen fursado badan.

Laakiin Alisson ayaa wax walba badalay daqiiqadii ugu dambaysay kadib markii uu dhaliyay gool madax ah kooxdiisana jeebka ugu shubay 3 dhibcood oo cadaan ah siina  nooleeyay rajadooda u soo bixista champions League.

Goolhaye Alisson ayaa madax galay daqiiqadii ugu dambaysay kadib markii ay kooxdiisu heshay koornihii 13-aad intii ay socotay ciyaartu.

Hadaba halkan ka daawo muuqaalka goolka uu Alisson ku galay taariikhda premier League.

[embedded content]

Sii Akhriso: Waa Maxay Sirta Raaxada Jacaylka?


Source: laacibfm

SHARE