Granit Xhaka & Bernd Leno Oo Maamulka Arsenal Ku War Galiyay Go’aanka Mustaqbalkooda.

Arsenal ayaa wajahaysa qax xagaagan iyadoo Granit Xhaka iyo Bernd Leno lagu soo waramayo inay rajeynayaan inay ka Gunners xagaagan.

Warkan ayaa imanaya kadib markii xiddiga David Luiz u sheegay maamulka Gunners in uu doonayo in uu isaga tago kooxda marka uu dhoco heshiiskiisu bisha July.

Wargayska Athletic ayaa haatan sheegaya in shaqaalaha Arsenal ka wal-walsanyihiin in ay xiddigaha Xhaka iyo leno sidoo kale maamulka kooxda ka dalban doonaan in ay isaga tagaan kooxda.

Kooxda Mikel Arteta ayaa soo qaadatay xilli ciyaareed niyad jab leh iyaga oo aan wax koob ah ku guulaysan sidoo kale ku dhamaysan kara meeshii ugu xumayd horyaalka tan ilaa 1994/1995.

Arsenal ayaa sidoo kale u muuqata kuwo gabi ahaan seegi doona tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe maadama ay haatan ku jiraan kaalinta 9-aad kaliyana 2 kulan ka hadheen dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sirta Raaxada Jacaylka?


Source: laacibfm

SHARE