Liverpool Oo Loo Sheegay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Florian Neuhaus

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in lagu wargaliyay inay iska bixiso lacag dhan 40 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Florian Neuhaus suuqa xagaaga.

Iyada oo Reds iska fasaxayso Georginio Wijnaldum  marka uu dhoco heshiiskiisu Klopp ayaa isku diyaarinaya in uu helo badalkiisa xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Borussia Monchengladbach ee Neuhaus ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Liverpool laakiin Monchengladbach ayaa is adkaynaysa sabab la xidhiidha in uu heshiiska xiddigi dhici doono xagaaga 2024.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa heshiiskiisa kooxda lagu bur-burin karaa lacag dhan 40 milyan oo euro wargayska Bild ayaana sheegay in ayna kooxda Monchengladbach aqbali doonin wax lacagtaas ka yar.

Wararka ayaa dhanka kale sheegaya in uu xiddiga Neuhaus ogolyahay in uu ku biiro kooxda Liverpool si uu uga hoos ciyaaro xiddiga ay isku dalka yihiin ee Jurgen Klopp.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sirta Raaxada Jacaylka?


Source: laacibfm

SHARE