Man United Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Taariikhi Ah Oo Premeir League Ay Kaliya Laba Koox Ka Dhigeen.

Manchester United ayaa fursad u heysata inay taariikh sameyso maalinta ugu dambeysa xilli ciyaareedka Premier League iyadoo noqon karta kaliya kooxda seddexaad ee aan wax guuldaro ah la kulmin kulamada premier League xilli ciyaareed dhamaystiran.

Guushii soo laabashada lahayd ee ay Man United ka gaadhay Aston Villa Axadii hore ayaa ahayd guushii 18-aad ee ay ka gaadhay premier League meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo aan wax guuldaro ah la kulmin xilli ciyaareedkan.

Red Devils ayaa Axada 23 bisha oo ah maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka premier League marti u noqon doonta kooxda Wolves kulan ay Red Devils samayn doonto taariikh cajiib ah.

Hadii ay kulankaas guuldaro ka badbaado waxa ay noqon doontaa kooxdii 3-aad ee taariikhda premier League guul daro la’aan ku dhamaysata kulamada martida xilli ciyaareed buuxa.

Labada kooxood ee rikoodhkaas kaga horeeyay ayaa ah Arsenal oo rikoodhkaas dhigtay labadii xilli ciyaareed ee 2001-2002 & 2003-2004 Iyo Kooxda Preston oo rikoodhkaas dhigtay xilli ciyaareedkii 1888-1890.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sirta Raaxada Jacaylka?


Source: laacibfm

SHARE