Real Madrid Oo Man United U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli karto Xiddiga Raphael Varane.

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dul dhigtay 60 milyan oo euro madaxa daafaca Raphael Varane, iyadoo daafaca dhexe weli si xoogan loola xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Manchester United.

Heshiiska xiddiga reer France ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana la sheegay in ay Real Madrid diyaar u tahay in ay iska fasaxdo xiddiga hadii uu heshiis cusub u saxiixi waayo kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United diyaarinayso dalab 40 milyan ah oo ay ku doonayso xiddiga reer France iyada oo uu Solskjaer Varane u arko xiddig ka garab ciyaari kara Harry Maguire.

Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay si cad u sheegtay in ay xiddiga ku fasixi karto kaliya lacag dhan 60 milyan oo euro.

Varane ayaa sidoo kale la rumaysanyahay in uu xiiso ka helayo kooxda chelse kuwaas oo dhankooda doonaya xiddig daafaca dhexe ku fiican xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sirta Raaxada Jacaylka?


Source: laacibfm

SHARE