Thomas Tuchel Oo Kashifay Xiddigaha Masuulka Ka Ahaa Fashilkii Chelsea Ee FA Cup-ka.

Thomas Tuchel ayaa dhaleeceeyay weeraryahanada kooxdiisa iyo waliba fursadihii ay iska khasaariyeen kulankii ay kooxdiisu ku fashilantay ku guulaysiga FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kulankii ay guuldarada kala kulantay Leicester City.

Gool uu Youri Tielemans dhaliyay ayaa Leicester City kaga filnaaday in ay ku guulaystaan FA Cup-ka markii ugu horeeyay ee taariikhdooda.

Tuchel ayaa shaqo fiican qabtay tan ilaa markii uu yimid chelsea laakiin kulankii Leicester City ayuu ku khaldamay in uu ciyaarta ka reebo xiddiga ugu goolasha badan kooxda ee Tammy Abraham.

Ciyaarta kadib Tuchel ayaa xiddigaha weerarka uga ciyaara ku weeraray go’aan qaadashadooda goolka hortiisa iyo fursadihii ay iska khasaarisay kooxdiisu kulankii Final-ka FA Cup-ka.

“Qaybtii hore go’aan qaadashada ma aanan ahayn kuwo fiican qaybtii hore, waxana aan doonaynay in aanu saxno arintaas”ayuu Tuchel yidhi.

“Waxa aan qaban karnaa shaqo ka fiican midii aan qabanay, uma malaynayo in khibrad la’aan haysay xiddigaa weerarka sababta oo ah Hakim ma ahan xiddig da’yar ah sidoo kale Timo ma ahan xiddig da’yar ah waa in aan horumar samayno”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sirta Raaxada Jacaylka?


Source: laacibfm

SHARE