Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Liverpool Guusha Wakhtiga Dambe Ka Gaadhay West Brom.

Kooxda Liverpool ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda West Brom kulan ka tirsanaa premier League kaas oo ay si weyn ugu dhibaatoodeen dhanka goolka hortiisa.

Goolal ay dhaliyeen Mohamed Salah iyo Alisson Becker ayaa Liverpool ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim u ah rajadooda u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii uu Alisson guusha ku hogaamiyay Liverpool.

1.Xiddigaha Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa iska caawiyay 22 gool tartamada oo dhan kaliya Mohamed Salah iyo Roberto Firmino oo iska caawiyay 28 ayaa ka badan intii uu Klopp hogaaminayay Liverpool.

2.Goolhaye Alisson Becker ayaa noqday Goolhayihii ugu horeeyay ee Taariikhda Liverpool u dhaliya gool tartamada oo dhan.

3.6 ka mid ah goolhayayaashii gool-ka ka dhaliyay taariikhda Premier League kaliya Alisson ayaa ah Goolhayaha Madax ka dhaliyay gool.

4.Alisson ayaa ah gool dhaliyihii 38-aad ee guul ku hogaamiya Liverpool daqiqiadii 90+ premier League intii uu Jurgen Klopp hogaaminayay kooxda waxana ay kaga badan tahay koox kasta oo kale.

5.Kooxda Liverpool ayaa 94 dhibcood heshay marka gool looga hor maro premier League intii uu Juregen Klopp hogaaminayay kooxda waxana ay 13 gool ka badan yihiin koox kasta oo premier League ah.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sirta Raaxada Jacaylka?


Source: laacibfm

SHARE