Xiddiga Man City Ee Ferran Torres Oo Jabiyay Rikoodh Uu Lionel Messi Dhigay.

Da’yarka reer Spain ee Ferran Torres ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah kulankii Newcastle jimcihii, iyada oo uu xiddiga Man City dhaliyay gool u tartami doona goolasha ugu quruxda badan sanadka a hor inta uuna 2 gool oo kale dhalin waliba dhamaystirin saddexleydiisii ugu horaysay ka hor final-ka champins League.

Marka laga yimaado in uu qaab ciyaareedkiisu xaq u siiyay in uu ka qayb ahaado shaxda Rasmiga ah ee Final-ka Man City xiddigii hore ee Valencia ayaa dhigay Rikoodh uu Lionel Messi horay u dhigay.

Wixii ka horeeyay Jimcihii Lionel Messi ayaa ahaa xiddigii ugu da’da yaraa ee uu tababare Pep Guardiola tababaray ee dhaliyay saddexley isaga oo sidaas sameeyay kulan dhacay 6 bishii Janury sanadkii 2009 isaga oo wakhtigaas jiray 21 sano, 6 bilood iyo 11 maalin.

Laakiin Torres ayaa jabiyay rikoodhkaas Lionel Messi isaga oo noqday xiddiga ugu da’da yar ee saddexley dhaliyay ee uu tababare u yahay pep Guardiola isaga oo jira 21 sano, hal bil iyo 14 maalin.

Xiddiga Torres ayaa ilaa haatan dhaliyay 19 gool tartamada oo dhan waxana uu u muuqdaa mid helay kalsoonida tababare Pep Guardiola ka hor Final-ka champions League.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sirta Raaxada Jacaylka?


Source: laacibfm

SHARE