Daawo: Arintan Cadayn Ma U Tahay In Uu Cristiano Ronaldo Ka Tagayo Juventus.

Waxa ay u muuqataa in ka tagistii Cristaino Ronaldo ee Juventus ay soo dawaatay xilli ay jirto suurtagalnimo ay Juventus ku seegi doonto Tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe.

Juventus ayaa ku jirta kaalinta 5-aad waxana ay sugaysaa kufitaanka kooxaha Napoli iyo Ac Milan si ay ugu soo baxdo champions league.

Shabakada Per Semper Calcio ayaa baahisay muuqaal muujinaya in shirkad ka mid ah shiradaha dhoofiya baabuurta in ay qaadayso qaar ka mid ah baabuurada Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa isla talaabadan qaaday markii uu ka tagayay Juventus sanadkii 2018 kuna biiray kooxda Juventus waana isla shirkadii u rartay baabuurtiisa.

Ronaldo ayaa mar kale qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan laakiin kooxdiisa ayaa ku dhibaatoonaysay natiijooyinka kooxda Juventus xilli ciyaareedkan.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka:

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.


Source: laacibfm

SHARE