DEG-DEG: Harry Kane Oo Warqada Bixitaanka U Gudbiyay Kooxda Tottenham.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry kane ayaa warqda bixitaanka u gudbiyay maamulka kooxda Tottenham isaga oo u sheegay in uu doonayo uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Harry Kane ayaa ku dhibaatoonaya in uu koobab ku guulaysto koobab tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda Tottenham sidaas darteed xiddiga ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda suuqa kala iibsiga xagaagan.

Shabakada Sky Sport ayaa haatan sheegaysa in uu Harry Kane u sheegay kooxda Tottenham in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaaga dhamadka xilli ciyaareedkan.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in ay kooxaha Man United, Man City iyo chelsea haatanba la xidhiidheen wakiilka xiddiga una sheegeen in ay doonayaan saxiixa xiddiga suuqa xagaaga.

Warkan ayaa imanaya xilli ay Tottenham ku dhibaatoonayso in ay u soo baxdo champions League sanadihii ugu dambeeyay inkasta oo uu xiddiga reer England yahay xiddiga ugu fiican kooxda xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE