Harry Kane & Mohamed Salah Oo Isku Dhagan Tartanka Gool Dhalinta Premier League.

Xiddigaha Harry kane iyo Mohamed Salah ayaa isku dhagan tartanka loogu jiro gool dhalinta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyada oo labada xiddig kala dhaliyeen min 22 gool ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Labada xiddig ayaa shabaqa soo taabtay kulamadii ay kooxohoodu ka kala badiyeen kooxaha Wolves iyo West Brom kulamadii premier League ee dhacay Axadii.

Iyada oo laba kulan oo kaliya ka hadhsanyihiin dhamaadka xilli ciyaareedka tartanka gool dhalinta ayaa lagu kala bixi doonaa maalinta ugu dambaysa horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddiga ugu soo dhaw labada xiddig ayaa ah xiddiga Man United ee Bruno Fernandes oo leh 18 gool sidaas darteed uma badna in uu xiddiga reer Portugal soo qaban doono labada xiddig.

Isku soo wada duuboo labada xiddig ayaa gali doona labada kulan ee ugu dambeeya horyaalka premier League iyaga oo isku dhagan waliba mid walba isha ku hayo in uu ku guulaysto tartanka gool dhalinta premier League.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.


Source: laacibfm

SHARE