Ole Gunnar Solskjaer Oo Taageerayaasha Man United Dusha Ka Saaray Labadii Guuldaro Ee Xidhiidhka Ahayd Ee Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Liverpool & Leicester City.

Tababaraha Kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in mudaaharaadyada looga soo horjeedo Glazer ay sabab u ahaayeen guuldarooyinkii ka soo gaadhay kooxaha Leicester City iyo Liverpool Premier League.

Tababare Solskjaer ayaa ku adkeysanaya in banaanbaxyada ay saameyn ku yeesheen Xiddigaha kooxdiisa.

“Ma doonayn in aan mar-marsiyo sameeyo sababta oo ah waxa nalaga badiyay 2 kulan oo xidhiidh ah laakiin xaqiiqada ayaa ah in ay mudaharaadyada taageerayaasha Man United sameeyeen saamayn ku yeelatay qaab ciyaareedka xiddigaha”ayuu Solskjaer yidhi.

“Jir ahaan macquul ma ahan in aan u ciyaarno qaab dar-dar leh marka loo eego tirada kulamada aan ciyaarnay iyo waliba marka aad eegto wakhtiga yar ee u dhexeeyay isku diyaarinta kulamada, maan helin wakhti soo kabasho fiican iyo waliba isku diyarinta aan u baahnayn”ayuu sii raaciyay.

Man United ayay haatan u hadheen 3 kulan oo uu ku jiro Final-ka Europa League waliba iyaga oo ciyaari doona muddo aad u koobkan 3-da kulan ee u hadhay.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.


Source: laacibfm

SHARE