Real Madrid Oo Xaqiijisay Xiddig Kooxdeeda Ah Oo Uu Ku Dhacay Xanuunka Korona.

TOPSHOT – Real Madrid’s Brazilian midfielder Casemiro (C) celebrates after scoring a goal during the Spanish league football match between Real Madrid CF and Club Atletico de Madrid at the Alfredo di Stefano stadium in Madrid on December 12, 2020. (Photo by OSCAR DEL POZO / AFP)

Kooxda Real Madrid ayaa ku dhawaaqday maanta oo Isniin ah in xanuunka Korona laga helay xiddiga kadka dhexe ee Toni Kroos.

Real Madrid ayaa sheegtay in uu xiddiga khadka dhexe ka maqnaan doono tababaraha maalmaha soo socda isaga oo gali doona karantiil kadib markii laga helay xanuunka Korona.

Kroos ayaa xidhiidh la sameeyay xanuunka Korona waxana haatan la xaqiijiyay in isagana laga helay xanuunka Korona sidaas darteed uu gali doono 10 maalin oo karantiil ah.

Sidaas darteed xiddiga Toni Kroos ayaa seegi doona kulanka ugu dambeeya horyaalka La Liga ee ay la ciyaari doonaan kooxda Villarreal isla markaasna uu soo dhamaaday xilli ciyaareedkiisu.

Xiddiga ayaa haatan isku diyaarinaya in uu aado xulka qarankiisa Germany marka uu ka soo kabsado xanuunka si uu ugala qayb qaato tartanka Euro 2020 kaas oo bilaaban doono bisha dambe.


Source: laacibfm

SHARE