Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Horyaalka La Liga Todobaadkan Oo La Soo Saaray

Waxa la ciyaaray todobaadkii ka horeeyay dhamaadka xilli ciyaareedka La Liga iyada oo ay 20 kooxood hal mar wada ciyaareen maadama ay kooxo badan u tartamayeen natiijooyin isku mid ah.

Kooxaha Atletico Madrid iyo Real Madrid ayaa sii waday tartanta horyaalka La Liga waliba gaadheen guulo muhiim ah ka hor maalinta ugu dambaysa xilli ciyaareedka horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa iyagu ka hadhay tartanta horyaalka La Liga Kadib markii ay guuldaro kala kulmeen kooxda Celta Vigo kulan ay Barcelona wali sii dhibaatoonayso.

Shabakada Whoscored ayaa soo saartay shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka La Liga kadib kulamadii todobaadka 37-aad ee horyaalka La Liga.

Kooxda Villarreal Ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig halka Kooxaha Real Madrid, iyo Valencia ay shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 2 xiddig kuwaas oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay.

Dhanka kale Kooxaha Barcelona, Atletico Madrid, Alaves iyo Real Sociedad shaxda ku leh min hal xiddig Kuwaas oo ahaa xiddigihii ugu fiicnaa kooxdooda kulamadii todobaadkan.

Image

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.


Source: laacibfm

SHARE