Waa Maxay Sababtii Uu Jurgen Klopp Uga Cabsi Qabay In Laga Qaado Dhibcaha Kadib Goolkii Uu Alisson U Dhaliyay Kooxdiisa Kulankii West Brom.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu ka cabsi qabay in laga qaado dhibcaha kooxdiisa kadib goolkii guusha ee uu Alison dhaliyay kulankii West Brom.

Reds ayaa il bidhiqsiyo u jirtay in ay lumiso laba dhibcood kulankii West Brom ee horyaalka premier League laakiin Alisson ayaa badbaadiyay kooxdiisa waliba dhaliyay gool madax ah daqiiqadihii ugu dambeeyay.

Xilli ay ciyaartu maraysay 1/1  waliba la galay daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta Reds ayaa heshay koorne Alisson ayaana aaday goolka kale ee kooxda West Brom isaga oo dhaliyay goolka guusha.

Xilli ay xiddigaha kooxdiisu dabaal dagayeen Klopp ayaa xasuustay arin ku dhacday wakhtigiisii uu ciyaarayay kubada cagta.

Markii la waydiiyay in uu arkay waxan oo kale horay u arkay Klopp ayaa yidhi”Waxa aan xiddigaha ugu sheegay qolka Labiska markii aan ciyaarayay kubada, Goolhayihii kooxdeena ayaa dhaliyay gool daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta”.

“Waxa uu ahaa goolkii bar-baraha waxana aan u dabaal dagnay si waali ah”.

“Garsooraha ayaa noogu soo galay qolka Labiska waxana uu noo sheegay in uu xiddig dheeri ku ahaa kooxdeena sidaas darteed waxa ay naga qaadeen dhibcaha”.

“Sidaas darteed ka hor intii aanan dabaal dagin markii hore waxa aan tijaabiyay in ay wax walba sax yihiin”ayuu sii raaciyay”.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.


Source: laacibfm

SHARE