WARBIXIN: Goolhayayaasha Goolka Ka Dhaliyay Taariikhd Premier League.

Goolhaye Alisson ayaa dhaliyay gool madax ah kulankii ay kooxdiisa Liverpool guusha ka gaadhay kooxda West Brom kulan ka tirsanaa todobaadkii 36-aad ee xilli ciyaareedka premier League

Alisson ayaa dhaliyay goolka guusha wakhtigii geerida iyada oo si qurux badan madax ugu dhaliyay gool muhiim u ah kooxdiisa xilli ciyaareedkan tartanka ay ugu jiraan u soo bixista champion League.

Goolhayaha reer Brazil ayaa noqday Goolhayihii 6-aad ee taariikhda premier League gool ka dhaliya markii uu kubada dhex dhigay karoos uu so dhigay xiddiga Trent Alexander-Arnold wakhtigii dheeriga.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa Goolhayayaasha goolka ka dhaliyay taariikhda Premeir League:

Peter Schmeichel:

Goolhaye Peter Schmeichel ayaa noqday Goolhayihii uu horeeyay ee gool ka dhaliyay premier League sanadkii 2001 kulan ay ay Aston Vlla guuldaro 3/2 ah kala kulantay Everton, Goolhayihii hore ee Man United ayaa shabaqa dhex dhigay kubad laad ah daqiiqadii 90-aad laakiin goolkaas ayaan kooxdiisa caawin.

Brad Friedel:

Bishii February ee sanadkii 2004 Friedel ayaa kooxda Blackburn u dhaliyay gool daqiiqadii 90-aad kulan kooxdiisu guuldaro 3/2 ah kala kulantay Charlton Iyada oo uu goolka Goolhayuhu ka yimid koorne laakiin uu lugtiisa ku dhaliyay goolka kana dhigay ciyaarta 2/2 ka hor inta aan kooxdiisa laga dhalin goolka guusha.

Paul Robinson:

Robinson ayaa shabaqa soo taabtay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankii Tottenaham 3/1 uga badiyeen kooxda Watford sanadkii 2007 isaga oo laad xor ah u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 75-aad iyada oo kubadu ku dhacday Goolhayaha ka hor inta ayna shabaqa ku laaban.

Tim Howard:

Goolhaye Howard ayaa kubad aad u dheer ka laaday goolkiisa Hortiisa kulan ay Everton guuldaro 2/1 ah kala kulantay Bolton sanadkii 2012 iyada oo uu Goolhayuhu halkaas ka dhaliyay goolka laakiin muu dabaal dagin sabab la xidhiidha Ixtiraam uu u hayay Goolhayaha kale.

Asmir Begovic:

Goolhaye Begovic ayaa u dhaliyay Stoke kaliya 13 il bidhiqsi kulankii ay la ciyaarayeen kooxda Southampton sanadkii 2013 isaga oo kubada dhex dhigay shabaqa kadib markii uu kubad ka helay daafaca Dejan Lvoren sidaasna ku dhaliyay goolka.

Alisson:

Goolhaye Alisson ayaa ah Goolhayaha kaliya ee madaxa ka dhaliyay gool goolhayayaasha taariikhda premier League ka dhaliyay kadib markii uu daqiiqadii ugu dambaysay dhaliyay gool madaxa ah guulna ku hogaamiyay kooxdiisa.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.


Source: laacibfm

SHARE