Bruno Fernandes Oo Loo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Man United Xilli CIyaareedkan.

Xiddiga koxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa loo magacaabay xiddiga uu fiican kooxda Man United xili ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah.

Bruno Fernandes ayaa ku guulaystay abaalmarinta Sir Matt Busby ee xiddiga ugu fiican kooxda Man United kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Xiddiga 26 jirka ah ee Bruno Fernandes ayaa dhaliyay 27 gool taramada oo dhan xlli ciyaareedkan waxana uu kooxda ka caawiyay in ay iska xaadiriso Final-ka Europa league xilli ciyaareedkan.

Xiddiga khadka dhexe ee Bruno Fernandes ayaa abaalmarinta ku guulaystay xilli ciyaareedkii 2-aad oo xidhiidh ah kadib markii uu abaalmarinta ku guulaystay xilli ciyaareedkii hore.

Bruno ayaa laf dhabar u ahaa kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda waxana uu xilli ciyaareedkan kula guulaysan karaa koobkiisii ugu horeeyay tartanka Europa League.


Source: laacibfm

SHARE