Bruno Fernandes Oo Roy Keane & Cristiano Ronaldo Kula Biiray Rikoodh Cajiib Ah.

Kubadsameeyaha Manchester United Bruno Fernandes ayaa noqday xiddigii 5-aad ee taariikhda kooxda Man United ee ku guulaysta abaalmarinta xiddiga ugu fiican Man United laba sano oo xidhiidh ah.

Xiddiga khadka dhexe ee reer Portugal ayaa ku guuleystay abaalmarinta sannadkii hore, in kasta oo uu u ciyaaray qayb ka mid ah xilli ciyaareedka kadib markii uu suuqa January kaga soo biiray kooxda Sporting Lisbon.

Fernandes ayaa sii waday qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 28 gool tartamada oo dhan.

26 jirkaan ayaa ah xiddiga ugu goolasha badan Man United xilli ciyaareedkan waxana uu Abaalmarinta ku garaacay xiddiga Luke shaw.

Guusha Fernandes waxay la macno tahay inuu ku biirayo xidigo ay ka mid yihiin Ruud van Nistelrooy, Cristiano Ronaldo, Roy Keane iyo David De Gea oo ah xiddigaha kaliya ee 2-da xilli ciyaareed ee isku xigta ku guulaystay abaalmarinta.


Source: laacibfm

SHARE