Dejan Lovren Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Mohamed Salah Ee Liverpool, Maxaa Cusub?

Dejan Lovren ayaa ku adkeysanaya in kubada cagta ay tahay mid “isbedel badan” isaga oo sidoo kale ka hadlay mustaqbalka xiddiga Mohamed Salah oo ay yihiin saaxiibo aad isugu dhaw.

Labada xiddig ayaa isaga garab ciyaaray Liverpool ka hor intii uuna Lovren ka tagin Liverpol bilowgii xilli ciyaareedkan laakiin labada xiddig ayaa wali leh xidhiidh saaxiibtinimo oo xoogan.

Mohamed Salah ayaa bilowgii sanadkan diiday in uu meesha ka saaro u dhaqaaqista kooxaha Real Madrid iyo Barcelona isaga oo qirtay jacaylka uu u qabo kooxaha reer Spain.

Laakiin Loren ayaa sheegay in uu Salah diirada saari doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka waliba sii wadi doono dhalinta goolasha.

“Kuma hadali karo magaciisa iyo waliba waxa uu qorshihiisu yahay laakiin waxaan qabaa inuu ila mid yahay aniga,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Hadii uu wax diirada saaro waxaas ayuu diirada saarayaa, waxana uu arintaas ku muujiyay goolasha uu dhaliyay”.

“Waxaan u rajeynayaa wanaag oo dhan, waxaan rajeynayaa inuu koobab badan kula guuleysto Liverpool laakiin kubada cagta wax walba way is badali karaan waanan sugi doonaa waxa dhaca”.


Source: laacibfm

SHARE