Liverpool Oo Ugu Cad-Cad Saxiixa Kalidou Koulibaly.

Wakiilka qibrada leh Vincenzo Morabito ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay xiriir la sameyneyso daafaca Napoli Kalidou Koulibaly.

Morabito ayaa sheegay in Liverpool ay ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga Koulibaly marka la gaadho suuqa kala iibsiga waliba diyaar u tahay in ay miiska saarto lacag ay Napoli dalbanayso.

Wuxuu u sheegay Radio Marte: “Koulibaly iyo Fabian Ruiz waxay ka tagi doonaan Napoli, hadii ay labadaas xiddig ka tagaan Napoli waxa ay la soo saxiixan doontaa laba xiddig oo waaweyn”.

“Liverpool ayaana ugu cad-cad in ay la saxiixato Koulibaly sidoo kale waxa ay diyaar u tahay lacagta ay Napoli dalbanayso”ayuu sii raaciyay.

Liverpool ayaa suuqa u gali doonta daafac dhexe oo cusub marka la gaadho suuqa xagaaga waxana ay Koulibaly U Aragtaa xiddiga ugu haboon ee ka garab ciyaari kara Virgil Van Dijk.


Source: laacibfm

SHARE