Man United Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Fulham & Red Devils Oo Guul La’aan Ah Kulankii 3-aad Oo Xidhiidh Ah Old Trafford.

Kooxda Man United ayaa bar-baro kala kulantay kooxda Fulham iyaga oo kulankii 3-aad oo xidhiidh ah aan wax guul ah ku gaadhin garoonkeeda Old Trafford kulan Premier League ah.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo fulham ku qaadayay weeraro ay ku doonayeen in ay natiijada dhankooda ugu leexiyaan.

Dhanka kale Fulham ayaa ku bilaabatay ciyaarta qaab difaac ah iyaga oo doonayay in ay shabaqooda ka ilaashadaan Man United sidoo kale ciyaaraan weeraro rogaal celis ah.

Daqiiqadii 15-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Edinson Cavani kaas oo gool qurux badan u dhaliyay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Man United ayaa maamulaysay ciyaarta xilli ay Fulham dhankooda qaadaysay weeraro dhawr mar halis galiyay kooxda Man United xilli ay United ahayd kooxda fiican.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man United hogaaminayso natiijo ahaan sidoo kale ahayd kooxda fiican xilli Fulham ku dhibaatootay dhanka weerarka.

Qaybtii dambe ayay Man United sii waday dadaalka ay ku doonaysay in ay ku dhaliso goolal ay ciyaarta ku disho si ay uga hor istaagto in ay Fulham ku soo laabato ciyaarta.

Fulham ayaa qaybtii dambe u muuqatay kuwo ka fiican Man United iyaga oo qaadayay weerarada badan sidoo kale si fiican u difaacanayay goolkooda xilli ay United dhaafi la’ ahayd daafaca Fulham.

Daqiiqadii 75-aad ayay Fulham Dhalisay goolka ba-rbaraha waxana gool madax ah oo qurux badan u dhaliyay xiddiga Joe Bryan kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta o ay Labada Kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah iyada oo man United bar-baro ku soo xidhatay kulankeedii ugu dambeeyay ee garoonkeeda horyaalka xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm

SHARE