Man Utd, Man City Mise Chelsea? Harry Kane Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biirayo hadii Uu Ka Tago Tottenham.

Harry Kane ayaa ka dhigtay Manchester City dookhiisa koowaad ee xagaagan inkasta oo ay xiiso ka helayo kooxaha Manchester United, Chelsea iyo Real Madrid, sida ay wararku sheegayaan.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa kooxdiisa Tottenham u gudbiyay warqada Bixitaanka una sheegay in doonayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wargayska talkSPORT ayaa sheegaya in uu xiddiga reer England doortay ku biirista kooxda Man City marka loo bar-bar dhigo kooxaha kale ee doonaya saxiixiisa.

Harry Kane ayaa xiiso ka helaya kooxaha waaweyn ee reer yurub kana mid yihiin kooxaha Man United, Man City, Chelsea iyo Real Madrid kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan koxda.

Laakiin Kane ayaa doonaya in uu iska diido kooxaha kale si uu ugu biiro kooxda Pep Guardiola maadama uu aamisanyahay in uu kooxdaas koobab ugu guulaysan karo.


Source: laacibfm

SHARE