Rasmi: Karim Benzema Oo Lagu Daray liiska Xiddigaha Xulka France Uga Qayb Qaadan Doona Tartanka Euro 2020

Tababaraha xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga qayb gali doono tartanka Euro 2020 isaga oo Liiska ku soo daray weeraryahanka Karim Benzema.

Karim Benzema ayaa ku soo laabanaya xulka Qaranka France markii ugu horaysay tan ilaa 2016 isaga oo aan u ciyaarin xulka muddo aad u dheer waliba seegay tartamo aad u badan.

Laakiin maqnaanshaha Benzema ee xulka France ayaa ka soo muuqday Liiska xiddigaha uu Didier Deschamps u soo xushay tartanka bisha dambe bilaaban doona ee Euro 2020.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Tababaruhu u soo xushay xulka France tartanka Euro-da.

Goolhayayaasha: Lloris, Mandanda, Maignan

Daafacyada: Dubois, Pavard, Zouma, Koundé, Varane, Lenglet, Kimpembe, Digne, L.Hernandez

Khadka Dhexe: Kanté, Pogba, Rabiot, Tolisso, Sissoko

Weerarka: Benzema, Giroud, Mbappé, Thuram, Coman, Ben Yedder, Griezmann, Lemar, O.Dembélé


Source: laacibfm

SHARE