Real Madrid Oo Wadahadalo La Furtay Badalka Zinedine Zidane

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo la furtay halyeeyga kooxda Raul si uu shaqada uga badalka Zinedine Zidane kaas oo la filayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Tababaraha reer France ayaa la sheegayaa in uu haatanba xiddigaha kooxdiisa u sheegay in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Los Blancos haatanba wadahadalo la qaadatay Raul si uu uga badalo Zidane shaqada kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Halyeeyga kooxda ee Raul ayaa haatan hogaaminaya kooxda da’yarka ee Real Madrid waxana la sheegayaa in uu doonayo in uu soo dalaco xiddigaha da’yarka ah hadii uu tababare u noqdo kooxda 1-aad.

Raul Ayaa ah xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan Real Madrid isaga oo dhaliyay 323 gool 741 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan intii uu ciyaarayay kubada cagta.


Source: laacibfm

SHARE