Saxiixa Ugu Horeeya Ee Kooxda Barcelona Ee Xagaaga Oo La Ogaaday.

Inkasta oo uu hal kulan hadhsanyahay horyaalka la Liga hadana xilli ciyaareedkii Barcelona ayaa soo dhamaaday maadama ayna fursad u haysan in ay u dagaalanto horyaalka La Liga, waxana ay xaqiiqsadeen in ay ku dhamaysan doonaan kalainta 3-aad.

Kooxda Barcelona ayaa haatanba bilowday ka fikirka xilli ciyaareedka dambe waxana ay qorshaynayaan suuqooda xagaaga si ay u horumariyaan kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Cadena SER ayaa sheegaysa in xiddiga Emerson Royal uu noqon doono saxiixa ugu horeeya ee kooxda Barcelona xagaaga, Emerson oo ka ciyaara daafaca garabka midig ayaa Barcelona ku soo biiray xagaagii 2019 laakiin waxa ay amaah ugu dirtay kooxda Real Betis.

Kooxda Barcelona ayaa Real Betis miiska u saari doonta lacag dhan 9 milyan oo euro si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga ama in ay heshiiska ku darto xiddig kale.

Wararka ayaa sheegaya in uu Emerson kooxda la bilaaban doono isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub kadib markii uu qanciyay maamulka kooxda tan ilaa markii uu yimid Spain waxana ay ku dari doontaa kooxda haatan.


Source: laacibfm

SHARE