Shaxda Laga Yaabo In Ay Chelsea Kaga Hor Tagto Leicester City, Xilli Blues Doonayso In Ay Ka Aar Gudato Foxes.

Kooxda chelsea ayaa marti galin doonta Leicester City maalmo yar ka hor markii ay kaga hor tagtay Final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ay ka go’antahay in ay guul ka gaadhaan kulanka si ay u sii wadaan dagaalka ay ugu jiraan booska champions leageu xilli ciyaareedka dambe.

Blues ayaa sidoo kale doonaysa in ay Leicester City ka aarsato kadib markii ay ka qaatay FA Cup-ka Axadii hore waliba ka hor istaagtay koobkoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Tababaraha chelsea ee Thomas Tuchel ayaa doonanaya in uu garaaco Leicester City si uu uga reebo Champions League kadib markii ay iyaguna ka qaadeen FA Cup-ka Axadii.

Here is how we think Chelsea will line up against Leicester on Tuesday


Source: laacibfm

SHARE