Shaxda Wareerka Ah Ee Uu Ku Ciyaari Doono Xulka Frace Euro 2020 Hadii Karim Benzema Lagu Soo Daro Liiska.

Marka la fiiriyo wararka sheegaya in Karim Benzema lagu soo dari doono xulka France ee xagaagan ka qeyb galaya koobka qaramada qaarada yurub, waxaan eegnay sida ay noqon karto shaxda xulka France.

Waxa haatanba xulka France u ciyaara xiddigo heer caalami ah oo ay ka mid yihiin Kylian Mbappe, Paul Pogba, N’Golo Kante iyo Raphael Varane, laakiin Benzema wuxuu France ka dhigayaa mid aan la celin karin.

Haddii France ay ku soo gasho shax ciyaareedka 4-3-3, Benzema ayaa hogaamin kara weerarka waxana ka garab ciyaari doona xiddigaha Mbappe iyo Antoine Griezmann, taas oo shaki la’aan cabsi ku abuuri doonta difaaca xulalka ka soo hor jeeda.

Sidoo kale Waxa ka qayb ahaan doona Liiska xulka France xiddigaha ay ka midka yihiin Mike Maignan, Dayot Upamecano, Tanguy Ndombele, Kingsley Coman, Ousmane Dembele, Thomas Lemar, Nabil Fekir, Olivier Giroud & Wissam Ben Yedder.

Isku soo wada duuboo xulka France ayaa noqon kara xulalka sida weyn ugu sharaxan hadii uu ku soo galo shaxdan hoos ku xusan mana jirto xul hor istaagi kara.

France Benzema Euro 2020


Source: laacibfm

SHARE