Taageerayaasha Premier League Oo U Codeeyay Xiddiga Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan

Waxa la galayaa labadii kulan ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedka 2020/2021 waxana la isku diyaarinayaa abaalmarinaha kala duwan ee la bixiyo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Waxa jira xiddigo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan kuwaas oo kooxohooda ka caawiyay in ay helaan natiijooyin fiican si weyna u caawiyay kooxdooda.

Ka hor inta aan la bixin abaalmarinaha shabakada xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa taageerayaasha premier League fursad u siisay in ay doortaan una codeeyaan xiddiga ay aaminsanyihiin in uu yahay midka ugu fiican xilli ciyareedkan.

Xiddigaha Ruben Dias, Bruno Fernandes iyo Harry Kane ayaa ah xiddigaha loo doortay in ay u tartamaan codka taageerayaasha premer League xilli ciyaareedkan.

Codaynta ayay ka qayb qaateen taageerayaa dhan 30,444 kuwaas oo codkooda ka dhiibtay xiddiga ay u arkaan in uu 3-da xiddig ahaa midkooda ugu fiican xilli ciyaareedka premier League.

Xiddiga Man United ee Bruno Fernandes ayaa helay codka ugu badan isaga oo helay 51.9% codka taageerayaasha iyada oo uu kaalinta 2-aad galay xiddiga kooxda Man City ee Ruben Dias kaas oo helay cod dhan 28.7 halka uu xiddiga Tottenham ee Harry Kane helay 19.3%


Source: laacibfm

SHARE