Wakhtiga Ay Barcelona Doonayso In Ay Ku Dhawaaqdo Saxiixa Memphis Depay Oo La Ogaaday.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ku kalsoon tahay inay soo gabagabeyn doonto saxiixa weeraryahanka Lyon Memphis Depay ka hor bilaabashada tartanka Euro 2020 ee xagaaga.

Kooxda reer Catalan ayaa si joogto ah xiriirinayay 27 jirkaan oo ku sii dhawaanaya dhamaadka heshiiska uu kula jiray kooxda Lyon.

Depay wuxuu xor u ahaa inuu heshiis hordhac ah la galo Barcelona tan ilaa bishii January ee bilowgii sanadkan laakiin weli wax heshiis ah lama gaarin.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay L’Equipe xiddigii hore ee kooxda Man United ayaa la filayaa in uu ku biiro kooxda Barcelona bartamaha bisha soo socota.

Xulka Netherland ayaa bilaaban doona tartanka Euro 2020 13 bisha June iyada oo uu tababaraha xulka qaranku u sheegay xiddigihiisa in ay meel sii saaraan mustaqbalkooda ka hor inta uuna tartanku bilaaban.


Source: laacibfm

SHARE