XASAASI: Thomas Tuchel Oo Laga Caydhin Karo Shaqada Chelsea Dhamaadka Xilli Ciyaareedkan & Sababta Oo La Ogaaday

Tababaraha kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa waayi kara shaqadiisa kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan bilo yar kadib markii loo dhiibay xilka tababaranimo ee kooxda chelsea.

Thomas Tuchel ayaa shaqo fiican ka qabtay chelsea tan ilaa markii uu shaqada kala wareegay Frank Lampard bishii January isaga oo kooxda geeyay 2-da Final ee Champions league iyo FA Cup-ka.

Laakiin chelsea ayaa lagu garaacay Final-kii ugu horeeyay kadib markii ay Leicester City si lama filaan ah uga qaaday Final-kii FA Cup todobaadkii hore.

Chelsea ayaa sidoo kale u dagaalamaysa u soo bixista champions league xilli ciyaareedka dambe waxana ay halis ugu jirtaa in ay seegto tartanka xilli ciyaareedka dambe hadii ay ka badin waydo kooxda Leicester City iyo Aston Villa.

Kooxda Chelsea waxa u hadhay final-ka tartanka Champions league oo ay ciyaari doonaan dhamaadka bishan haatan lagu jiro ee May isaga oo ka hor tagi doona kooxda Man City.

Wargayska Daily Mail ayaa haatan sheegaya in ay chelsea shaqada ka caydhin doonto Thomas Tuchel hadii ay kooxdu ku fashilanto in ay ku guulaysato champions league sidoo kale ku dhamaysan waydo boosaska champions league xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm

SHARE