Xiddiga Karim Benzema Oo Lagu Soo Darayo Liiska Xulka France Ee Tartanka Euro2020.

Karim Benzema ayaan u ciyaarin xulka France tan iyo sanadkii 2016, kahor Euro 2016, laakiin waxaa jira warar badan oo la isla dhexmarayo kuwaas oo sheegaya in weeraryahanka Real Madrid lagu dari doono Liiska xulka France ee ka qayb gali doona tartanka Euron 2020.

Tababaraha xulka qaranka France ee Deschamps ayaa 33 jirkaan ku ciqaabay doorkii uu ka qaatay murankii Mathieu Valbuena taas oo keentay in aan looga yeedhin xulka qaranka muddo 5 sano ah.

Hase yeeshe, sida laga soo xigtay L’Equipe iyo Le Parisien, oo ay xaqiijisay MARCA, Deschamps ayaa ka fikiraya in uu xiddiga Benzema ku soo daro Liiska xulka qaranka France ee ka qayb qaadan doona tartanka Euro 2020 hal maalin kadib markii xiddiga loo magacaabay xiddiga ugu fiican France ee ka ciyaara dalka dibadiisa.

Benzema ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo hogaamiyo ka noqday Real Madrid taas oo soo jiidatay indhaha tabaabraha xulka qaranka france kaas oo doonaya in uu xulkiisa ku hogaamiyo tartanka Euro.


Source: laacibfm

SHARE