Arsenal Oo Badalka Bernd Leno Ka Heshay Barcelona.

Arsenal ayaa isku dayi doonta inay lasoo saxiixato goolhayaha Barcelona Neto ka hor xilli ciyaareedka soo socda, sida ay sheegayaan wararku.

31-sano jirkaan ayaa dookha 2-aad u ahaa kooxda Barcelona isaga oo ka dambeeya Goolhaye Marc Andre-ter Stegen tan iyo markii uu Barca kaga soo biiray kooxda Valencia sanadkii 2019.

Iyadoo Ter Stegen uu dhaawac ku seegayo kulanka ugu dambeeya ee xilli ciyaareeda Barcelona waxa la filayaa in uu Neto ku bilowdo kulankii 7-aad ee xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee wargayska Mundo Deportivo ayaa Sheeaya in uu kulankaas noqon doono kulanka ugu dambeeya ee Goolhayaha ee kooxda Barcelona.

Arsenal ayaa la sheegayaa inay weli xiiseyneyso Neto, iyadoo horay u lumisay fursad ay heshiis amaah ah ugula wareegi lahayd Goolhayaha suuqii January.

Xiisaha Arsenal ee Neto ayaa soo laabtay iyada oo ay jiraan warar sheegaya in uu Goolhaye Bernd Leno isaga tagi doono kooxda ku ciyaarta garoonka Emirates xagaagan.


Source: laacibfm

SHARE