Barcelona Oo Heshiis Isku Badalasho Ah La Samaynaysa Atletico Madrid & Griezmann Oo Fure U Noqon kara Heshiiskaas.

Barcelona ayaa soo dhaweyneysa heshiis is weydaarsi oo ay la samaynayso kooxda Atletico Madrid marka la gaadho suqua xagaaga kadib markii uu madaxweynaha Atletico Madrid qirtay rabitaankiisa dib u soo celinta xiddiga Antoine Griezmann.

Madaxweynaha Atletico Madrid ee Cerezo ayaa idaacada Caden SER u sheegay Rabitaankiisa ah in uu doonayo in uu dib ula soo saxiixdo xiddiga reer France hadii ay Barcelona iibinayso.

Laakiin TV3 ayaa sheegaysa in ay Barcelona soo dhaweyneyso heshiiska isku badalasho ah oo ay la samaynso Atletico madrid kagana doonayso saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Joao Felix.

Wararka ayaa sheegaya xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya madaxweynaha Barcelona, ​​Joan Laporta, iyo Cerezo ay suuragal ka dhigi karto heshiiska ka dib dhammaadka xilli ciyaareedka marka loo eego in ay labada kooxoodba lacag 120 milyan ah ka bixiyeen labada xiddig.

Xiddiga Griezmann ayaa ku dhibaatooday kooxda Barcelona ilaa haatan kadib markii uu kooxda ku soo biiray laba sano ka hor halka xiddiga Felix uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Atletico Madrid.


Source: laacibfm

SHARE