Chelsea Oo Diyaarinaysa Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbiso Saxixia Jadon Sancho.

Kooxda chelsea ayaa qorsheyneysa inay dardar geliso baacsiga Jadon Sancho iyadoo diyaarinaysa dalab dhan 80 milyan oo euro sida ay sheegayaan wararku.

Blues ayaa si aad ah u xiisaynaysa xiddiga garabka uga ciyaara Borussia Dortmund laakiin waxa ay tartan adag kala kulmayaan kooxda Man United.

21 jirkaan ayaa qarka u saaran inuu ka tago Borussia Dortmund xagaagan, waxaana uu doonayaa in uu ku laabto horyaalka premier League.

Man United ayaa si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa xiddiga iyada oo uu Ole Gunnar Solskjaer doonayay in uu ku xoojiyo kooxdiisa laakiin Heshiiska ayaa dhici waayay kadib markii ay Dortmund dalbatay lacag dhan 120 milyan oo euro.

Wargayska SunSport ayaa fahamsan in uu tababaraha cheslea ee Thomas Tuchel taageere weyn u yahay xiddiga reer England waliba doonaya in uu keeno kooxda Stamford Bridge ku ciyaarta.

Sii Akhriso: 4 Kalmad Oo Been Ah Oo Ay Raggu U Sheegaan Dumarka Laakiin Ay Rumaystaan.


Source: laacibfm

SHARE