Chelsea Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Robert Lewandowski

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiriir la sameysay wakiilada weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ka hor inta uusan suuqa kala iibsiga xagaagan.

Blues ayaa haatanba bilowday raadinta weeraryahan cusub ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo socda, xiddiga reer Poland ayaa ka mid ah bartilmaameedyadooda.

Sida laga soo xigtay Sky Sports News Chelsea ayaa wax ka weydiisay helitaanka Lewandowski waxayna rajeynayaan inay ku qanciyaan inuu yimaado Premier League isla markaana uu u dhaqaaqo Stamford Bridge.

Si kasta ha ahaatee 32 jirkaan ayaa la fahamsan yahay inuu doorbidayo inuu u wareego Spain haddii uu ka tagayo Bundesliga xagaagan.

Haddii Blues ay ku guuldareysato inay heshiis la gaarto saxiixa Lewandowski, ka dib waxaa laga yaabaa inay raadiyaan bartilmaameedyo kale oo ay ka mid yihiin Erling Braut Haaland iyo Harry Kane.

Sii Akhriso: 4 Kalmad Oo Been Ah Oo Ay Raggu U Sheegaan Dumarka Laakiin Ay Rumaystaan.


Source: laacibfm

SHARE