Kooxda Uu Willian Doonayo In Uu Kaga Biiro Arsenal Oo La Ogaaday.

Inter Miami ayaa lagu soo waramayaa inay u muuqatay inay bartilmaameed u tahay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Willian.

Willian ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu kula joogayo kooxda Arsenal kadib markii uu ka tagay kooxda chelsea xagaagii hore.

Laakiin xiddiga 32 jirka ah ayaa ku dhibaatooday kooxda Arsenal isaga oo kaliya ku lug lahaa hal gool iyo 7 caawin 34 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Brazil diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda Arsenal kuna biiro kooxda reer America ee Inter Miami suuqa xagaagan.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Brazil doonayo in u isaga tago Arsenal iyada oo kooxdu u muuqato in ay u soo bixi waydo tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: 4 Kalmad Oo Been Ah Oo Ay Raggu U Sheegaan Dumarka Laakiin Ay Rumaystaan.


Source: laacibfm

SHARE