Man United Oo Dib U Soo Cusboonaysiisay Xiisaha Ay U Qabtay Xiddig U Ciyaara Bayern Munich.

Manchester United ayaa dib u soo nooleyneysa xiisihii waqtiga dheer ay u qabtay garabka kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman.

Man United ayaa dalab ka gudbisay xiddiga reer France xagaagii lasoo dhaafay, waxaana ay si gaar ah ula socdeen xiddiga xilli ciyaareedkan.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in Coman iyo Bayern Munich ay joojiyeen wadahaladii heshiiska cusub taas oo dheeri galisay in ay mar kale xiisaha xiddiga dib u soo celiso.

Xiddiga oo kooxda kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah ayaa dalbanaya in uu ka mid noqdo xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda taas oo ah mid ay Bayern Munich diidantahay.

Dhanka kale kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay Coman miiska u saarto waxa uu doonayo oo ah mushahar dhan 12 milyan sanadkii hadii uu ku biiro kooxda suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: 4 Kalmad Oo Been Ah Oo Ay Raggu U Sheegaan Dumarka Laakiin Ay Rumaystaan.


Source: laacibfm

SHARE