Mohamed Salah Oo Laba Rikoodh Isha Ku Haya Kulanka Burnley Ee Caawa

Mohamed Salah ayaa barbareyn kara rikoor kale oo Liverpool ah hadii uu gool ka dhaliyo Burnley caawa iyada oo xiddiga reer Masar isha ku hayo in uu gool dhalinta ku garaaco Harry Kane.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay 20 gool kulamada martida xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan isaga oo 3 gool ka badan xiddig kasta oo Liverpool ah taariikhda kooxda.

Halyeeyga Liverpool ee Ian Rush ayaa 17 gool dhaliyay kulamada martida laba xili ciyaareed iyada oo uu Mohamed Salah sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2017/2018.

Mohamed Salah ayaa maanta u baahan hal gool si uu u bar-bareeyo rikoodhka 14 gool ee kulamada martida ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Salah ayaa haatan Liverpool u dhaliyay 99 kulan oo kala duwan isaga oo dhaliyay 125 gool guud ahaan waxana waxana uu noqon karaa xiddigii 100-aad ee sidaas sameeya taariikhda kooxda Liverpool.

Sii Akhriso: 4 Kalmad Oo Been Ah Oo Ay Raggu U Sheegaan Dumarka Laakiin Ay Rumaystaan.


Source: laacibfm

SHARE