Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Warbixiyay Xaalada Harry Maguire Ka Hor Final-ka Europa League.

Kabtanka Manchester United Harry Maguire ayaa luminaya tartanka uu gu jiro in uu taam u noqdo Final-ka Europa League ee ay wajahayaan Villarreal sideed maalmood gudahood.

Daafaca dhexe ayaa dhaawac uga baxay kulankii Aston Villa ee ay Man Unietd ku badisay 3/1 ah waxana la xaqiijiyay in uu xiddigu ka dhaawacmay kuraanta sidaas darteed dhaawac ku seegay kulamadii ugu dameeya.

Man United ayaa ku rajo weynayd in uu Maguire taam u noqon doono kulanka Villarreal ee Final-ka Europa League laakiin fursadaha xiddiga ee ciyaarista kulankaas ayaa aad u sii yaraanaysa.

Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa sheegay in ay aad u yartahay fursada uu xiddigu taam ugu noqon karo kulanka Villarreal ee todobaadka dambe.

“Arinta Harry waan ka shaqaynaynaa laakiin wax fiican uam aragno”ayuu Solskjaer yidi.

“Maguire kama dhaawacminmuruqa laakiin waxa uu u muuqdaa in uuna taam u noqon karin kulanka Final-ka ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: 4 Kalmad Oo Been Ah Oo Ay Raggu U Sheegaan Dumarka Laakiin Ay Rumaystaan.


Source: laacibfm

SHARE