RASMI: Xiddigaha Xulka Qaranka Germany U Matali Doona Tartanka Euro 2020 Oo La Shaaciyay.

Tababaraha Xulka qaranka Germany ee Joachim Löw ayaa soo saaray Liiska 26-ka xiddig ee uu kaga qayb gali doono tartanka Euro 2020 ee bilaaban doona bisha dambe.

Joachim Löw ayaa Liiska xulka qarankiisa dib ugu soo celiyay xiddigo waaweyn oo ay ka mid yihiin Mats Hummels iyo waliba xiddiga kubad sameeyaha ah ee Thomas Muller kuwaas oo ka maqnaa Xulka tan ilaa koobkii adduunka sanadkii 2014.

Sidoo kale Waxa Liiska ka soo muuqday Goolhayaha kooxda Arsenal ee Bernd Leno iyada oo uu ka maqan yahay Goolhayaha kooxda Barcelona ee Marc-André ter Stegen kaas oo qaliin ku seegaya tartanka.

Dhanka weerarka waxa hogaaminaya xiddiga kooxda chelsea ee Timo Werner iyo xiddigo kale oo da’yar ah waliba ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan.

Hadaba halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha uu Tababaruhu u soo xushay tartanka:

Image


Source: laacibfm

SHARE