Real Madrid Oo Haatanba Ogsoon Kooxda Uu Raphael Varane Ku Biiri Doono Hadii Uu Ka Tago Los Blancos.

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso bixitaanka daafaca dhexe ee Raphael Varane xagaagan xilli lala xiriirinayo kooxda Man United.

Xiddiga reer France ayaa galay sanadkiisii ugu dambeeyay ee heshiiska kooxda Real Madrid umana muuqdo mid heshiis cusub u saxiixaya kooxda Ku ciyaarta Bernabue.

Los Blancos ayaa la sheegayaa in ay diyaar u tahay in ay aqbasho dalab lacageed oo dhan 60 milyan oo euro halka ay hadii kale khatar ugu jiraan in ay qaab xor ah ku waayaan xiddiga.

Wargayska Marca ayaa sheegaya in ay Real Madrid isku diyaarinayso todobaad ay macasalaamaynayso dhawr xiddig oo kooxda 1-aad ah marka uu dhamaado xilli ciyaareedku sabtida soo socota.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid filayso in uu Varane ku biiro kooxda Man United dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: 4 Kalmad Oo Been Ah Oo Ay Raggu U Sheegaan Dumarka Laakiin Ay Rumaystaan.


Source: laacibfm

SHARE