Shaxda Laga Yaabo In Ay Liverpool Kaga Hor Tagto Burnley.

Kooxda Liverpool ayaa marti u noqon doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan horyaalka premier League kana dhici doona garoonka Turf Moor kulan ay Liverpool si gaar ah u doonayso guul gaadho.

Liverpool ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay guul gaadhaan si ay kaalinta 4-aad kala baxaan kooxda Leicester City xilli ay sii wado dagaalka ay ugu jirto 4-ta boos ee loogu soo boxo champions League.

Klopp ayaa sheegay in ayna dhaawacyo cusub jirin waliba haysto xiddigihii ciyaaray kulankii West Brom halka uu sidoo kale xaqiijiyay in ayna jirin xiddigo dhaawac ka soo laabtay ka hor kulanka.

Xiddigaha Mane, Firmino iyo Salah ayaa la filaaya in ay hogaamiyaan weerarka kooxda halka xiddigaha Williams iyo Phillipes ay hogaamin doonaan daafaca dhexe.

Burnley vs Liverpool May 19, 2021 Match Preview and Stats | FootballCritic

Sii Akhriso: 4 Kalmad Oo Been Ah Oo Ay Raggu U Sheegaan Dumarka Laakiin Ay Rumaystaan.


Source: laacibfm

SHARE