Thomas Tuchel Oo Ka Warbixiyay Xaalada N’Golo Kante Ka Hor Final-ka Champions League.

Thomas Tuchel ayaa rajeynaya in N’Golo Kante uu ka fogaaday dhaawac kadib markii horay loo badalay kulankii ay chelsea guusha 2/1 ah ka gaadhay Leicester City kana tirsanaa horyaalka premeir League.

Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa ciyaarta dhaawac uga baxay kadib markii uu ciyaaray 30 daqiiqo isaga oo ka dhaawacmay muruqa.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray kulamadii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkan isaga oo sabab u ah in ay kooxdiisu gaadho guulaha qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkan.

Thomas Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxan rajaynayaa in uu N’Golo dhaawac xun soo gaadhin, inta uu ii sheegay arintaas ka hor intii uuna bixin”.

“Waxa uu xanuun ka dareemay xanuun, waxa aan ka cabsanay in uu dhaawacmo hadii uu sii wado ciyaarta”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: 4 Kalmad Oo Been Ah Oo Ay Raggu U Sheegaan Dumarka Laakiin Ay Rumaystaan.


Source: laacibfm

SHARE