Atletico Madrid Oo Ka Jawaabtay Wararka Joao Felix La Xidhiidhinaya Barcelona & Man United.

Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay meesha ka saartay inuu ka tagayo weeraryahankooda Joao Felix, kaasoo xiiso ka helaya kooxaha Manchester United iyo Barcelona.

Felix ayaa dhaliyay 10 gool 6 kalena caawiye ka noqday tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda Atletico ka caawiyay in ay u tartanto horyaalka La Liga.

Kooxda Man United ayaa xiiso u qabtay saxiixa xiddiga muddo dheer waxana la rumaysnaa in ay xagaaga isku dayi doonto in ay u dhaqaaqdo saxiixiisa suuqa xagaaga.

Sidoo kale Barcelona ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay xiiso u muujisay saxiixa xiddiga iyaga oo xitaa doonayay in ay Antoine Griezmann u diraan Atletico madrid si uu ga qayb noqdo heshiiska.

Si kasta ha ahaatee Felix ayaa la filayaa inuu sii joogo Atletico sida madaxweynaha kooxda Enrique Cerezo uu u sheegay suxufiyiinta: “Ma jirto suurtagalnimo uu Felix uga tagayo kooxda, waa xiddig mustaqbal ku leh kubada cagta waxana uu noqon karaa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE