Chelsea, Liverpool Mise Leicester City? Micah Richards Oo Saadaaliyay Kooxaha U Soo Bixi Doona Champions League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Micah Richards ayaa u saadaaliyay Liverpool iyo Leicester inay ku dhamaystaan labada boos ee champions league ka soo hadhay isla markaasna u saadaaliyay in ay chelsea ka hadhi doonto champions league.

Guushii Liverpool 3/0 ahayd ee ay ka gaadhay Burnley ayaa la macno ah in ay ku jirto kaalinta 4-aad iyaga oo Liecester City kaga horeeya farqiga goolasha iyada oo la kala bixi doono maalinta ugu dambaysa.

Chelsea ayaa la ciyaari doonta Aston Villa halka ay Liverpool la ciyaari doonto Crystal Palace iyada oo leicester City la ciyaari doonto kooxda Tottenham.

“Waxa aan saadaalinayaa in ay Chelsea bar-baro la gali doonto Aston Villa waliba ay Leicester City ka badin doonto Tottenham”ayuu Richard u sheegay Sky Sport.

“Waxan u malaynayaa in ay Liverpool shaqada dhamaystiri doonto”.

“Waxa aan aaminsanahay in ay chelsea haatan isha ku hayso final-ka champions League”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE