Chelsea, Man United Mise Man City? Harry Kane Oo Loo Sheegay Kooxda Ay Tahay In Uu Ku Biiro Hadii Uu Isaga Tago Tottenham.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee John Barnes ayaa Harry Kane u sheegay in uu iska diido kooxda Man City kuna biiro kooxaha Chelsea ama Man United midkood xagaaga.

Kabtanka reer England ayaa doonaya in uu isaga tago Totteham xagaaga si uu koobab ugu guulaysto kooxaha Man United, Man City iyo Chelsea ayaana dhamaantood ku dagaamaya saxiixa xiddiga.

Inkasta oo ay Man City tahay kooxda ugu fiican ee uu Harry Kane koob kula guulaysan karo hadii uu ka tago Tottenham hadana Barnes ayaa u sheegay in uu iska diido kooxda Pep Guardiola.

“Hadii laga hadlo 3-da koox, waa in uu doorto chelsea ama Man City midkood halkii uu ku biiri lahaa Man City”ayuu Barnes u sheegay BonusCodeBets.

“Haddii uu aado Manchester City, ma noqon doono Xiddiga uu haatan ka yahay Tottenham sababta oo ah Tottenham waxa uu ka yahay gool dhaliye, caawiye wax walbana isaga ayaa masuul ka ah”.

“Halka, Man City, ma noqon doono sidaas sababta oo ah waxa jira xiddigo muhiim ka ah kooxda waxana uu mar walba ka dambayn doonaa kuwaas”.

“Chelsea iyo Manchester United waxay u baahan yihiin weeraryahan toos ah, Man United waxa ka garab ciyaari doona xiddigo fiican sida Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Mason Greenwood waxana uu u noqon doonaa weeraryahanka ay u baahanyihiin”.

“Chelsea sidoo kale waxay ubaahantahay weeraryahan, waxayna umuuqataa in Thomas Tuchel uusan jecleyn Tammy Abraham ama Timo Werner”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE