DEG-DEG: Sergio Aguero Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Barcelona.

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa inuu ogolaaday inuu Barcelona ugu biiro Heshiis 2 sano ah suuqa xagaaga.

10-kii sano ee uu xiddiga reer Argentine sii joogay kooxda Etihad ayaa soo dhamaanaya waxana uu xor noqon doonaa dhamaadka xilli ciyaaeedkan waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona.

Dhawr kooxood oo premier League ah ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay xiddiga reer Argentine laakiin xiddiga ayaa doortay in uu gabi ahaan isaga tago horyaalka premier League.

Wargayska Beteve ayaa haatan sheegaysa in uu Aguro ogolaaday in uu ku biiro kooxda Barcelona isaga oo ogolaaday heshiis uu kooxdaas ku joogi doono ilaa xagaaga 2023.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu xiddigii hore ee Atletico madrid ogolaaday in uu hoos u dhigo mushaharka uu qaadanayo oo dhan 4.4 milyan halkii uu markii hore qaadan jiray 12 milyan sanadkii.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE