DEG-DEG: XIddiga Ku Guulaystay Abaalmarinta Xiddia Ugu Fiican Ee FWA Oo La Shaaciyay.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man City ee Ruben Dias ayaa loo magacaabay xiddiga ugu fiican Abaalmarinta ay bixiyaan saxafiyiinta ee FWA ee xilli ciyaareedkan premier League.

Daafaca ayaa Man City kaga soo biiray Benfica xagaagii waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican adduunka booskiisa waxana uu kooxda Pep Guardiola ka caawiyay ku guulaysiga horyaalka premier League.

Dias ayaa helay codka ugu badan ee gudida FWA isaga oo abaalmarinta ku garaacay xiddiga Man City ee Bruno Fernandes iyo xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane iyo xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kevin De Bruyne.

Xiddiga reer Portugal ayaa sidoo kale door weyn ka qaatay ku guulaysiga Man City ee Carabao Cup iyo waliba in ay Man City gaadho final-ka tartanka champions league.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku riyaaqay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Engladn waxana uu dhaliyay hal gool 48 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE