Liverpool Oo Qiimo Aad U jaban Ku Heli Karta Xiddig U Soo Ciyaaray Arsenal.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay xagaaga u dhaqaaqdo Xiddiga khadka dhexe ee Juventus Aaron Ramsey.

Kadib markii ay ku fashilantay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum, Liverpool ayaa la filayaa inay xagaaga si bilaash ah ku weyso xiddiga reer Holland.

Sida laga soo xigtay Tutto Juve, Kooxda Liverpool ayaa ka faa’iidaysan doonta Rabitaanka Juventus ee ah in ay iska iibiso xiddiga Ramsey suuqa xagaaga.

In kasta oo uu saftay 65 kulan labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Turin, kooxda reer Talyaani ayaa dooneysa inay iska iibiso xiddiga reer Wales si ay u dhinto mushaharka badan ee ay bixiso.

Wararka ayaa sheegaya in ay xitaa Juventus diyaar u tahay in ay aqbasho lacag dhan 10 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga reer Wales ee ay qaabka xorta ah ugala soo saxiixatay Arsenal.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE