Man United Oo Doonaysa Saxiixa Weeraryahan Horay Ugu Soo Ciyaaray Liverpool.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Southampton Danny Ings.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa ku dhibaatooday dhaawacyo xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu soo bandhigay xilli ciyaareed cajiib ah isaga oo dhaliyay 12 gool 28 kulan oo premier League ah.

Heshiiska Ings ee kooxda Southampton ayaa dhici doona xagaaga dambe waxana si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxd Tottenham ayaa ahayd kooxda xiisaha u muujisay saxiixa xiddiga laakiin wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Man United haatan xiiso u qabto saxiixa xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United doonayso in ay qiimo aad u jaban ku doonayso saxiixa xiddiga marka loo eego in heshiiskiisu dhici doono xagaaga dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Arin Oo Aan Marna Ku Soo Dhicin Maskaxda Ninka Marka Ay Gabadhu Jeclaato, Waa Khalad Weyn


Source: laacibfm

SHARE